Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorshel, iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa maanta safar shaqo ku tegay Cisbitaalka Guud ee Qardho
Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku waxa uu si rasmi ah xarigga uga jaray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyay cisbitaalka, isla markaana waxa uu dhagax dhigay qayb cusub oo lagu rakibi doono mashiinka CT-SCAN-ka.
Qaybaha uu wasiirku xarigga ka jaray waxaa ugu muhiimsan:
• Waaxda NEONATAL INTENSIVE CARE UNIT (NICU): Waaxda lagu koriyo laguna daryeelo carruurta dhiciska ah ama aan weli dhammaystirin.
• Waaxda INTENSIVE CARE UNIT (ICU): Qaybta lagu daweeyo bukaannada xaaladaha halista ku jira.
• Qalab cusub oo casri ah: oo lagu soo kordhiyay waaxda shaybaarka cisbitaalka.
Intii ay ku guda jireen kormeerka, wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, halkaas oo uu mid mid u soo indha-indheeyay adeegyada caafimaad ee halkaas lagu bixiyo.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha cisbitaalka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha socda.
Hussein Muse Nuh, Guddoomiyaha Guddiga Cisbitaalka Guud ee Qardho, ayaa soo jeediyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda iyo adeegyada cisbitaalka.
Dr. Ibrahim Ahmed Osman, Maamulaha Cisbitaalka Guud ee Qardho, ayaa sharaxaad ka bixiyay adeegyada cusub, muhiimadooda, iyo saameynta ay ku yeelan doonaan bulshada gobolka.
Intii ay munaasabadda socotay, qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin aqoonsi ah, iyagoo lagu amaanay dadaalkooda iyo hawlkarnimadooda.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorshel, ayaa soo xiray munaasabadda. Wasiirku waxa uu bogaadiyay shaqada culus ee ay wadaan maamulka iyo howlwadeenada cisbitaalka, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay guddoomiyaha iyo guddiga cusub ee cisbitaalka, iyo sidoo kale shaqaalaha caafimaadka oo habeen iyo maalinba u adeegaya bulshada gobolka.
DHAMMAAD-


































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.