Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Sheekh Faarax, ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda ku soo dhoweeyay Mudane Burhaan Yuusuf iyo Mudane Cabdicasiis Yuusuf oo ka mid ah Qurba-joogta Puntland ee ku sugan dalka Sweden. Labadan masuul ayaa ka mid ah haldoorka si joogto ah uga shaqeeya horumarinta arrimaha caafimaadka Puntland iyo guud ahaan danaha horumarineed ee dalka.

09 Jul

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan adeegyada caafimaad ee ay wasaaraddu bixiso, meelaha ay ka howl gasho, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga dhexmara Qurba-joogta Sweden iyo Wasaaradda Caafimaadka, si loo kordhiyo doorkooda ka qeybgalka arrimaha caafimaadka.

Kulanka waxaa ku wehelinayay Dr Mohamed Mohamuud Xidig Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Abdirizak Artan Madaxa maaraynta Xogta Caafimaadka, iyo Abdufataax Muufo Madaxa Saadka.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta ayaa booqday bakhaarka daawooyinka (warehouse-ka) iyo xarunta qaboojinta daawooyinka (cool chain), halkaas oo ay ka muujiyeen mahadcelin ballaaran oo ku aaddan soo dhaweynta diirran ee ay heleen. Waxaa lagu ballamay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.