Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa bilaawday dadaallo deg-deg ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Gawracatada (Diphtheria), kaddib markii uu si xowli ah uga dillaacay qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

09 Jul

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa bilaawday dadaallo deg-deg ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Gawracatada (Diphtheria), kaddib markii uu si xowli ah uga dillaacay qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa bilaawday dadaallo deg-deg ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Gawracatada (Diphtheria), kaddib markii uu si xowli ah uga dillaacay qaybo ka mid ah gobolka Mudug. Cudurkaan halista ah ayaa si gaar ah u saameeyey carruurta, iyadoo Isbitaalka magaalada Galkacyo la geeyey bukaano 50 gaaraya.

Faafitaanka cudurka ayaa hadda ku soo badanaya caruurta 5ta sano ka weyn, iyadoo sababta ugu weyn ay tahay in difaaca jirka ee tallaalka cudurka uu si tartiib ah hoos ugu dhaco marka ay carruurtu dhaafaan 5 sano.

Hadaba Wasaaradda Caafimaadka Puntland, iyadoo kaashaneysa hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqeynta leeyihiin sida UNICEF, Save the Children (SC) iyo Médecins Sans Frontières (MSF), waxay bilaawday olole ballaaran oo tallaal iyo wacyigelin ah, si looga hortago faafidda cudurka loona badbaadiyo nolosha dadka, gaar ahaan carruurta.

Wasaaradda ayaa dirtay 30 kooxood oo si gaar ah loo tababaray, kuwaas oo ka shaqeyn doona tallaalka deg-degga ah oo ku kooban goobaha cudurku ka dilaacay iyo meelaha khatarta faafida cudurku ku badanyahay.

Waxaa la talaalayaa Shaqaalaha caafimaadka ee ku hawlan daryeelka bukaannada kuwasoo la siinayo tallaalka Td (oo ka kooban Teetano iyo Gawracato). Carruurta aan horay u helin tallaalka Penta ama aan dhamaystirin ayaa la siinayaa tallaalka Penta.

Carruurta da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 14 sano waxaa la siinayaa tallaalka Td si loo xoojiyo difaaca jirkooda ee cudurka Gawracatada iyo Teetanada.

Ololahan kooban ayaa looga gol leeyahay in si deg-deg ah loogu gaarsiiyo tallaalka cudurka Gawracatada dadka halista ugu jira.

Waalidiinta ayaa caruurtooda keenaya Isbitaalka weyn ee magaalada Galkacyo iyo xarumaha caafimaadka si ilmahooda usiiyaan talaalka cudurka ugana hortagaan inuu samayn ku yeesho.

Wasaraadda ayaa si joogto ah uwada barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu gaarsiinayo bulshada macluumaad sax ah oo ku saabsan cudurka Gawracatada, sida loo aqoonsado calaamadaha, qaabka uu ku faafo iyo muhiimadda tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa walidiinta ka codsanaysa inay ilmahooda talaalka udhamaystiraan haddii calaamadaha cudurka ay ku arkaan ay si degdeg ah ugeeyaan xarumaha caafimaadka, isla markaana ilamaha kale ay ka ilaaliyaan madaama cudurka lakala qaado.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.