Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaaddka DPL ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugal, Bari,Sanag ,Hayland,Raasi_Asayr ,Mudug iyo Karkaar iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee ka shaqeeya barnaamijka nafaqada gaar ahaan nafaqada aadka u daran (Severe Acute Malnutrition) u furay tababar soconaya 5 Maalmood kuna saabsan habka casriga ah lagula soconayo saadka (Last Mile Supply Monitoring).

09 Jul

Wasaaradda Caafimaaddka DPL ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugal, Bari,Sanag ,Hayland,Raasi_Asayr ,Mudug iyo Karkaar iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee ka shaqeeya barnaamijka nafaqada gaar ahaan nafaqada aadka u daran (Severe Acute Malnutrition) u furay tababar soconaya 5 Maalmood kuna saabsan habka casriga ah lagula soconayo saadka (Last Mile Supply Monitoring).

Tababarka waxaa ka qaybgalaya shaqaale oo kala socday 28 Xarun caafimaadiyo 4 MOH regional Warehouses iyo 3 Partner Warehouse

Mohamud Abdikadir Gaacir Oo Kaso Qaybgalayasha Kuso Dhoweeyay furitaanka tababarka ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada tabarkaaan:-

“ Nimadkan cusub wuxuu suura galinayaa in lala socdo dhaq dahqaqasaadka nafaqada laga so bilowbo baaqarka UNICEF ilaa xaruntaadeega ee lagu kheybiyo saadka nafaqada (OTP level).”

Faaidooyinka u leeyahay isticmaalka toolkan cusub

1. In xog sax oo ku saabsan dhamaan saadka nafaqada uu bixiyo

2. In u ka hortago in gacan qaldan ku dhacdo saadka nafaqada (Aid diversion)

3. In uu xoojinaya wada shaqeynta hay’adda UNICEF iyo shaqalaha wasaarada caafimaadka

Side u shaqeeyo:

Aaladan cusub (LMSM) waxa ay xogta ka so heshaa xog uruuriyaha guud ee heyada UNICEF (UNICEF e-tools).

Aaladaan cusub waxaa sahleeysaa in la ogaado goobta sanadka nafaqada uu yaalo maalin walba si loo xaqiijiyo adeeg ku filan caruurta ku xiran xarumaha cafiimadaka.

In la ogaado hadii wax lumay ama la xaday ay jiraan

In uu sahlo in go,an laga gaaro cilada walba oo ku timaado saadkana faqada (OTP level).

Marwo Faisa Abdirashid Oo Kasocotay Hayada UNICEF waxayna ka hadashay muhiimada ee leedahay wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda caafimaadka ee ku aadan hirgelinta aaladaan cusub lagula soconayo dhaqdhaqaaq saadka nafaqada si looga hortago in gacan khaldan ay ku dhacdo nafaqada loogu talagalay caruurta tabaalaysan.

Dr Abdikarin Hussain Madaxda Duumada ee wasaaradda caafimaadka oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaa farxad iyo sharf noo ah ka soo qaybgalka tababarkaan muhiimka u ah caafimaadka Puntlnad iyo soomaliya labadaba, waxaana muhiimada koowaad u ah sida nidaam la maro loo samayn lahaa iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, waxaan hadda leenahay nidaamyo kale oo kala duwan oo qaarkood caalamka oo dhan laga isticmaalo. Kana waxa uu noqon doonaa mid ku soo kordha aana ku koobnaan kaliya qaybta nafaqada ee nidaamka xogta oo dhan wax ka badala.”

“ Waxaan rajaynayaa tababarka inaad ka faa’iidsystaan sida aad uga faa’iidsysataan ayayna ku xirnaan doontaa sida loogu guulaysan lahaa Mahadsanidin..”

Madaxda Saadka Iyo Agabka Ee Wasarada caafimaadka Abdifatah Mohamed Mohamud oo shirka furay ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo tababarkan muhiimka ah, kaasoo laga shaqaynayo sidii loo hormarin lahaa gudbinta xogta ,xifdinta iyo dhawrida waxyaabaha loogu talagalay in lagu nafaqeeyo hooyada iyo ilmaha yar, iyo sidii loo maamuli lahaa waxa ina soo gaara oo aysan udayacmin. Inta badan nidaam marka la sameeyo waqti ayuu ubaahanyahay in la fahmo laguna shaqeeyo waxaan rajaynayaa inaad sida ugu wanaagsan u weeleysaan casharka aad qaadataan una dabaqdaan.”

“Waxa ugu muhiimsan waa in kor loo qaado nidaamka lagu shaqaynayo dalka idinkaa iska leh, waxa la idinka rabaa inaad dhihi kartaan waxaan waxa ka wanaagsan sidaan, sanad kadib waxaan wax iska weydiin doonaa sida looga faa’iidstay iyo haday jiraan caqabado ka horyimid mahadsanidiin. “

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.