Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay Qaybta Qaliinka (Operation Theater) ee Isbitaalka Degmada Godobjiraan
Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa maanta si rasmi ah uga daahfurtay Qaybta Qaliinka (Operation Theater) ee Isbitaalka Degmada Godobjiraan. Qaybtan cusub ayaa markii ugu horaysay laga sameeyay isbitaalka Cusub ee degmadda kaasoo dhawaan xariga laga jari doono, waxaana meesha ka bixi doonta hooyada meelaha loogu soo qaadi jiray marka dhalmadu ku adkaato si loogu qalo, hadda kadib gudaha degmadda ayaa loogu fulin doonaa.
Saaladda qaliinka ayaa lagu rakibay isbitaalka dhammaan qalabkii casriga ahaa ee lagama maarmaanka u ahaa howlgalka qaliinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Operation Table
• Operation Light
• Anesthesia Machine
• Infant Incubator
• Iyo agab kale oo muhiim u ah fulinta qalliimada, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka (Caesarean Section).
Mashruucan hirgelintiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland iyo Hay’adda PSI oo kala shaqaysa mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga aduunku maalgaliyo.
Daahfurka Qaybta Qaliinka ee Isbitaalka godobjiraan waa riyo u rumoowday bulshada deegaanka, taasoo kor u qaadaysa helitaanka adeegyada caafimaad ee muhiimka ah, gaar ahaan adeegyada qaliinka hooyada iyo dhallaanka.
DHAMMAAD-







XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.