Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa caawa ka qeybgalay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Dowladda Puntland iyo bulshada rayidka ah. Kulankan oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtan iyo warbixinta waxqabadka Dowladda.
Intii uu kulanku socday, bulshada kasoo qayb gashay ayaa si toos ah su’aalo ugu jeediyay xubnaha Xukuumadda, iyadoo lagu falanqeeyay waxqabadkii la taaban karo ee ay Dowladda Puntland qabatay mudadii u dambeysay.
Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo daahfurnaanta maamulka, si loo adkeeyo xiriirka dowliga ah iyo kalsoonida shacabka.
Wasiirka Caafimaadka Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa dadweynaha la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan guulaha laga gaaray adeegyada caafimaadka. Wasiirku wuxuu xusay in sanadkan kaliya in ka badan 700,000 oo carruur ah la gaarsiiyay talaal muhiim ah, halka malaayiin qofna ay adeeg caafimaad ka heleen xarumaha caafimaadka ee Dowladda Puntland.
Wasiir Qorsheel wuxuu tilmaamay in tirada dadka adeegyada ka helaya xarumaha caafimaadka ay marqaati u tahay kalsoonida sii kordheysa ee bulshada ku qabto adeegyada caafimaadka ee dowladda.
DHAMMAAD




















Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland