Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee gobolka Mudug.
Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Hon. Axmed Shiikh Faarax, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda. Wasiirka iyo wakiillada MSF ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qorshaha sii wadista mashruuca ay MSF ka waddo gobolka Mudug, gaar ahaan Isbitaalka weyn ee Galkacyo.
MSF ayaa soo bandhigtay natiijooyinka qiimayn ay ku sameeyeen biyaha ka saarida Isbitaalka Galkacyo, taasoo saamayn ku yeelata hawlaha ka socda iyo adeega bulshada laga siiyo dhibaato badana ku ah, Wasiirka ayaa ku bogaadiyey dadaalka MSF iyo kala shaqaynta wasaaradda sidii xal waara loogu heli lahaa biyaha isagoo balan qaaday in wasaaraddu gacan ka geysan doonto xal u helidda arrintan.
Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyey hay’adda MSF sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeyso Wasaaradda, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ay siiso Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo l. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac si loo gaaro yoolal caafimaad oo waara.
Dhankooda, waftiga MSF ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Waxay carrabka ku adkeeyeen in hay’addu ay diyaar u tahay in ay garab istaag buuxa siiso dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Ugu danbeyn wasiirka ayaa ka gudoomay Buuga koobaya qaabka biyuhu u soo galaan ..sababaha biyaha fadhiisadka keenay iyo xalka looga bixi karo oo ay ku caddahay kharashaadka ku baxaya.
DHAMMAAD-









XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.