Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wafti sare oo ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC).
Kulankan ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Axmed Shiikh Faarax, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adda ICRC, si loo dardar-geliyo dadaallada horumarinta adeegyada caafimaad ee ka socda guud ahaan deegaannada Puntland.
Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel ayaa uga mahadceliyay waftiga ICRC booqashadooda iyo taageerada ay si joogto ah u siiyaan wasaaradda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in horumar waara lagu gaari karo kaliya iyadoo la yeesho iskaashi dhab ah oo ku saleysan qorshayaal cad-cad oo loo dhan yahay, kuwaas oo horseedi kara adeegyo caafimaad oo tayo leh oo bulshada Puntland si siman uga faa’iidaysato.
Dhankooda, waftiga ICRC ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Waxay carrabka ku adkeeyeen in hay’addu ay diyaar u tahay in ay garab istaag buuxa siiso dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, si kor loogu qaado helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh oo gaara dhammaan shacabka Puntland.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo is-faham guud, iyada oo lagu heshiiyay in si wadajir ah loo fuliyo qorshayaal wax ku ool ah oo kor u qaadaya tayada iyo baahinta adeegyada caafimaadka ee Puntland.
DHAMMAAD-














XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.