Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay Shirka Lix bilood laha ah ee dib u eegista xogta Saadka iyo Agabka caafimaadka (PSM) Puntland

18 Jun

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ku qabatay Shirka Lix bilood laha ah ee dib u eegista xogta Saadka iyo Agabka caafimaadka (PSM) Puntland

Agaasimaha Adeegga caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi iyo madaxa Maareynta iyo Maamulka Iyo Agabka Daawada Ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Abdifatah Maxamuud Mohamed (Muufo), waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay FaaisaCabdirashiid oo ka socotay hay’adda UNICEF.

Mudane Abdifatah Muufo Madaxa Saadka Iyo Agabka Caafimaadka Puntland oo shirka furitaankiisi ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan maanta ujoognaa shirka Lix bilood laha ah ee dib u eegista xogta Saadka caafimaadka Puntland, shirkaan waa midka ugu muhiimsan ee aan qabsano kaasoo lagu dib loogu eego xogtii Saadka soo xarootay,laguna qiimeeyo madaxda gobolada shaqada ay qabteen iyo si guud mida Puntland ugu danbeyna looga wada hadlo caqabadaha jiray, shirkii maalgashiga dhacay waxaa ka soo baxay in xarumaheenu shaqaynayaa iyadoo ay hoos udhacday taageeradii aan ka heli jirnay hay’addaha inala shaqeeya, taasoo muujinaysa inaan bulshadeena adeeg siintoodu inoo tahay waxa ugu muhiimsan, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta gobolada shaqada wanaagsan ee ay hayaan.”

Faiza Abdirashiid ooa ka socotay hay’adda UNICEF oo shirka hadal ka jeedisay ayaa tiri:-

“ Waan idinku bogaadinaynaa shaqada aad haysaan, waxaa la wada qiray in Puntland ay tahay meesha ugu horaysa ee xog dhamaystiran oo la hubo laga soo gudbiyo guud ahaan dalka, madaama in ka badan 400 oo xarumood joogto looga helo xogtooda, shaqadiina waa mida ugu muhiimsan, waana idinku amaanaynaa, waxaan u gudbaynaa in xogta Saadka aad soo gudbisaan inay noqoto mid macno leh oo la adeegsado, waxaa la rabaa madaxda wasaaraddu inay ka shaqeeyaan xogtaan Saadka in loo adeegsado horumarinta iyo wax ka badalka caafimaadka Puntland.”

Mudane Abdirizak Abshir Hersi agaasimaha Caafimaadka asaasiga ah oo shirka furay ayaa yiri:-

“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo shirkaan dib ueegista xogta Saadka Iyo Agabka caafimaadka Puntland Lixdii bilood ee la soo dhaafay, taasoo aad ku soo bandhigaysaan xogtii Saadka la soo uruuriyay hadii ay jiraan khaladaad dhacayna aad ku wada sixi doontaan.”

“Waxaan ku amaanayaa Qaybta Saadka Xarunta Dhexe sida uu horumar muuqda uga sameeyay xogta Saadka Ee wasaaradda, markastana la ina ku amaano inaan soomaaliya meelaha ugu horeeya nahay xog ururinta iyo sida waqti kasta loo helayo iyadoo tayaysan si quruxbadana loo diyaariyay, waxaan isleeyahay Madaxda Xarunta Dhexe Ee Saadka kaliya shaqadaan ma qaban waxaan ogahay in idinkuna aad garbaha uu ku duulo tihiin waxaan rajaynayaa inaad sii laba jibaari doontaan shaqadiina horumarina doontaan.”

Sidoo Kale Shirka Waxa Wadatashi Lagagaliyay Madaxa Saadka Gobolada Iyo Hayyada Ka Shaqeeya Caafimaadka Puntland qorsha-howleedka Maamulka iyo Maareynta Sahayda Caafimaadka Puntland sanadaha kala ah 2025 iyo 2026 (PSM Workplan 2025 – 2026), sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qabya-qoraalka Hagaha deeqaha sahayd Caafimaadka Puntland (Health commodities donation guideline).

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka kala socday 9 Gobol Ee Puntland iyo Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.