Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’addaha Bisha Cas iyo IFRC.

26 May

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’addaha Bisha Cas iyo IFRC.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Axmed Shiikh Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, iyo Kusimaha Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada Sucaad Mohamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Bisha Cas iyo IFRC, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee guud ahaan deegaannada Puntland.

Wasiirka Caafimaadka, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa uga mahadceliyay waftiga Bisha Cas iyo IFRC booqashadooda iyo taageerada muuqata ee ay siiyaan wasaaradda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah uu saldhig u yahay horumar waara oo ka dhasha qorsheyaal cad-cad oo la wada leeyahay, kuwaas oo lagu gaari karo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ay bulshada ka faa’iidaysato.

Waftiga Bisha Cas iyo IFRC ayaa dhankooda muujiyay in ay diyaar u yihiin xoojinta wadashaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka Puntland, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaad, isla markaana ay sii wadi doonaan garab istaagga ay la garab taagan yihiin shacabka reer Puntland.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo is-faham guud oo ku saleysan qorsheyaal wax ku ool ah, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka si loo xaqiijiyo caafimaad loo siman yahay oo gaara dhammaan bulshada Puntland.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment