Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Caafimaadka Puntland, isagoo sii wada kormeerkiisa guud ee hay’adaha Dowladda.

25 May

Kusimaha Madaxweynaha waxaa si diirran u soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Axmed Sheekh Faarax, iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Intii uu kormeerku socday, Kusimaha Madaxweynaha wuxuu la yeeshay madaxda wasaaradda kulan muhiim ah, kaas oo lagu lafo-guray howlaha socda ee wasaaradda iyo qorsheyaasha horumarineed ee ku aaddan adeegyada caafimaadka. Mudane Ilyaas wuxuu ku dhiirrigeliyay mas’uuliyiinta inay dardar geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, maadaama wasaaradda caafimaadku ka mid tahay hay’adaha ugu saameynta badan nolosha shacabka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Write a Reply or Comment