
Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta Garowe ku qabatay Shirka Saddex bilood laha ah ee dib u eegista xogta caafimaadka HMIS ka Puntland.
Agaasimaha Adeegga caafimaadka asaasiga ah Mudane Abdirizak Abshir Hersi iyo madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland Mudane Abdirisak Mohamed Artan, waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Faiza Abdirashiid oo ka socotay hay’adda UNICEF.
Mudane Abdirisak Mohamed Artan Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland oo shirka furitaankiisi ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta ujoognaa shirka saddex bilood laha ah ee dib u eegista xogta caafimaadka Puntland, shirkaan waa midka ugu muhiimsan ee aan qabsano kaasoo lagu dib loogu eego xogtii soo xarootay,laguna qiimeeyo madaxda gobolada shaqada ay qabteen iyo si guud mida Puntland ugu danbeyna looga wada hadlo caqabadaha jiray, shirkii maalgashiga dhacay waxaa ka soo baxay in xarumaheenu shaqaynayaa iyadoo ay hoos udhacday taageeradii aan ka heli jirnay hay’addaha inala shaqeeya, taasoo muujinaysa inaan bulshadeena adeeg siintoodu inoo tahay waxa ugu muhiimsan, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta gobolada shaqada wanaagsan ee ay hayaan.”
Faiza Abdirashiid ooa ka socotay hay’adda UNICEF oo shirka hadal ka jeedisay ayaa tiri:-
“ Waan idinku bogaadinaynaa shaqada aad haysaan, waxaa la wada qiray in Puntland ay tahay meesha ugu horaysa ee xog dhamaystiran oo la hubo laga soo gudbiyo guud ahaan dalka, madaama in ka badan 400 oo xarumood joogto looga helo xogtooda, shaqadiina waa mida ugu muhiimsan, waana idinku amaanaynaa, waxaan u gudbaynaa in xogta aad soo gudbisaan inay noqoto mid macno leh oo la adeegsado, waxaa la rabaa madaxda wasaaraddu inay ka shaqeeyaan xogtaan in loo adeegsado horumarinta iyo wax ka badalka caafimaadka Puntland.”
Mudane Abdirizak Abshir Hersi agaasimaha Caafimaadka asaasiga ah oo shirka furay ayaa yiri:-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo shirkaan dib ueegista xogta caafimaadka Puntland saddexdii bilood ee la soo dhaafay, taasoo aad ku soo bandhigaysaan xogtii la soo uruuriyay hadii ay jiraan khaladaad dhacayna aad ku wada sixi doontaan.”
“Waxaan ku amaanayaa Abdirizak Cartan sida uu horumar muuqda uga sameeyay qaybta xogta wasaaradda, markastana la ina ku amaano inaan soomaaliya meelaha ugu horeeya nahay xog ururinta iyo sida waqti kasta loo helayo iyadoo tayaysan si quruxbadana loo diyaariyay, waxaan isleeyahay isaga kaliya shaqadaan ma qaban waxaan ogahay in idinkuna aad garbaha uu ku duulo tihiin waxaan rajaynayaa inaad sii laba jibaari doontaan shaqadiina horumarina doontaan.”
DHAMMAAD



































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.