Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNICEF ayaa maanta magaalada Galkacyo ku qabatay Shir ku saabsan wacyigalin tallaalka. Gaar ahaan tallaalka cusub ee oofwareenka iyo shubanka.

12 May

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, masuuliyiinta caafimaadka gobolka, dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka socda jaamacadaha magaalada Galkacyo, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO.

Kulankaan oo ka dhacay gobolada Puntland ayaa loogu talagalay in dadka daneeya lala wadaago talaalada cusub ee sanadka bilaabanaya loona diyaar garoobo, waxaana inta uu shirku socday la is weydaarsaday muhiimada ay leeyihiin waxaana la iskula qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment