Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay Shir ku saabsan wacyigalin tallaalka. Gaar ahaan tallaalka cusub ee oofwareenka iyo shubanka.

12 May

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay Shir ku saabsan wacyigalin tallaalka. Gaar ahaan tallaalka cusub ee oofwareenka iyo shubanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, dhakhaatiir iyo aqoonyahano ka socda jaamacadaha magaalada Boosaaso, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee UNICEF iyo WHO.

Intii uu socday shirka, waxaa dhakhaatiirtu ka doodeen suaalana weydiiyeen masuuliyiintii wasaaradda ka socday iyo hay’addaha waxaana la iskula qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment