Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa xafiiska caafimaadka Gobolka Bari ku qaabilay Masuuliyiin kasocotay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

12 May

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel ayaa xafiiska caafimaadka Gobolka Bari ku qaabilay Masuuliyiin kasocotay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehlinayay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka DPL ee Gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo masuuliyiinta Caafimaadka Wasaaradda ,Waxaana si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Mashaariicda iyo balaarinta adeegyada caafimaadka oo uu kamid yahay Talaalka.

Intaasi Kadib Wasiir Qorsheel iyo Masuliyiintii ka socotay Hay’adda WHO ayaa kormeeray Xarumaha caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka iyo qaybaha kala duwan ee Cisbtaalka Guud ee magaalada Bosaaso halkaas oo ay warbixino uga dhageysteen Masuuliyiinta Cisbitaalka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment