
Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka jawaabaysa codsi uga yimid taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar Xuseen Ali Maxamed iyo taliska xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble Qardho ayaa maanta xerada gaysay dhakhaatiir dawayn iyo baaritaan ku samayna ilaa 18 ciidamada kamid ah oo xanuun la jiifay.
Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka Puntland oo ay wehelinayeen madaxda caafimaadka heer gobol ayaa warbixin ka dhagaystay taliyaha iyo saraakiisha xerada waxayna booqdeen bukaanada xanuunka la jiifa kadibna waxaa bilawday in baaritaan lagu sameeyo, kuwa kale oo caafimaad qabana waxaa lagu baraarujiyay inay taxadarkooda muujiyaan kana shaqeeyaan sidii naftooda iyo mida ciidamada kale u ilaalin lahaayeen.
G/Sare Xuseen Ali Mohamed Taliye qaybta gobolka Karkaar ayaa madaxda wasaraadda caafimaadka uga mahadceliyay sida dhakhsaha ah ee ay uga soo jawaabeen codsigoodii isla maantana uga hawlgaleen sidii baaritaan iyo dawayn loogu samayn lahaa ciidamada xanuusan, waxa uu xusay inay muhiimtahay ilaalinta iyo badqabka ciidamada madaama ay dhici karto inay cudurka isu gudbiyaan, waxa uu kula dardaarmay saraakiisha ciidmada maamulaysa inay ka shaqeeyaan sidii looga taxadari lahaa inay is dhexgalaan kuwa caafimaadka qaba.”
Kormeerkaan ayaa wasaaraddu uga dan leedahay in laga jawaabo meelkasta oo dalka ka mid ah lagana soo sheego xaalad caafimaad daro.
DHAMMAAD-



















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND