26
Apr

Maalinta Caalamiga ah ee Duumada adduunka ayaa Garoowe lagu qabtay, taasoo sannadkiiba hal mar laga xuso adduunka oo dhan
Munaasabada lagu qabtay lagu xusayey maalinta Duumada oo bulshada lagaga wacyi galiyey halista Cudurka iyo waxa laga qabtay xakamayntiisa Waxaa ka qayb galay, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Siciid Jamac Qorsheel, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Gudoomiyaha Gudiga dhaqqalaha barlamaanka Puntland Xasan Majabe iyo Madaxa Caafimaadka Hay’adda UNICEF Millhia kader iyo xubno kale.














