
Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista (2024-2025) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo soconaya laba maalmood waxaa ka qaybgalaya 73 xarumood oo gobolka Nugaal ah kuwaasoo ay taageero mashruuca Damal caafimaad oo ay hirgaliso Hay’dda PSI, xarumahaad oo iskugu jira
Waxaa maanta ka furmay wasaaradda caafimaadka DPL Shirka Dib-u-eegista (2024-2025) Waxqabadka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Nugaal, shirka oo soconaya laba maalmood waxaa ka qaybgalaya 73 xarumood oo gobolka Nugaal ah kuwaasoo ay taageero mashruuca Damal caafimaad oo ay hirgaliso Hay’dda PSI, xarumahaad oo iskugu jira
– 1 isbitaal Gobol (Regional Hospital.
– 4 Isbitaal Degmo ( District hospital)
– 36 xarumo caafimaad (Health Center)
– 32 rug caafimaad (Primary health Unit)
Sugow Bishaar madaxa mashruuca damal
Caafimaadka ee hay’adda PSI oo ugu horayntii shirka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Fursad weyn ayay ii tahay inaan idinkala soo qaybgalo furitaanka shirkaan muhiimka ah ee dib loogu qiimaynayo waxqabadka xarumaha caafimaadka gobolka Nugaal ee uu taageero mashruuca Damal Caafimaad, waxaan sidoo kale bogaadinaya inaan isku aragno masuuliyiinta xarumaha caafimaadka guud ahaan gobolka nugaal, labada maalmood ee aan wada joogno waxaan isla falanqayn doonaa horumarka la sameeyay iyo caqabadaha ka jira xarumaha sidii loo hormarin lahaa waxna looga qaban lahaa.”
“Hay’adda PSI waxay markasta diyaar u tahay inay fududayso lana socoto gaaritaanka adeegyada caafimaad ee loogu talagalay bulshada gobolka Nugaal, waxaan markasta wasaaradda iyo gobolka si dhaw uga wada shaqaynaa sidii loo wada hirgalin lahaa mashruucaan.”
Mohamed Jamac Xirsi isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa sidii aan dib u-eegista waxa inoo qabsoomay maamul caafimaad gobol ahaan iyo hay’adda PSI oo mashruuca Damal caafimaad aan ka wada shaqayno, waxaa xarumaha caafimaadka gobolka ka muuqada is badal hormarineed balse la inaga rabo inaan horumarino kana faa’iidaysano, waxaan ogahay in mashruucaan tijaabada ah gobolada laga bilaabay aan ka midnahay kuwa ugu horeeya ee sidii loogu talagalay ufulay, waxaa dayactir lagu sameeyay xarumaha caafimaadka gobolka qaarkood.“
Mohamed Huseen Mohamed agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada wasaaradda caafimaadka DPL oo shirka furtay ayaa yiri:-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan idin kala soo qaybgalo shirkaan sidoo kalena aan kula kulmo qayb balaaran oo kamid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal, wasaaradda caafimaadka Puntland markasta waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta adeegyada xarumaha caafimaadka Puntland iyo gaarsiinta adeega looga baahanyahay, waxaan ku faraxsanahay in mashruuca damal caafimaad uu daboolay intii badnayd ee adeega caafimaadka gobolka Nugaal, waxaase ubaahan in wax la iska weydiiyo mashruuca marka uu dhamaado halkee laga aadayaa loona sii wadayaa shaqada iyo xarumaha adeega ka socda, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI sida wanaagsan ee mashruuca ugala shaqaysay wasaaradda wax badana is ka badaleen muuqaalkii hore xarumaha caafimaadka kuwaaso la dayactiray dawadii loo dhamaytiray sidoo kalena shaqaalaha baahidooda loo daboolay.”
DHAMMAAD-





































































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.