
Wasaarada Caafimaadka Puntland oo soo xirtay shirka dib u eegista iyo qorshaynta Barnaamijka Tallaalka ee Soconayey muddo 3- maalmood ah.
Wasaarada Caafimaadka Puntland oo soo xirtay shirka dib u eegista iyo qorshaynta Barnaamijka Tallaalka ee Soconayey muddo 3- maalmood ah.
Shirka dib u eegista Barnaamijka talaalka ee sanadkii 2024 iyo qorshaynta Sanadka 2025 oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Save the Children ayaa muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta dhehe ee Wasaaradda Caafimaadka kasoo ay kasoo qayb galee dhamaan heerarka kala duwan maamuladda Caafimaadka ee 9-ka Gobol ee Puntland, hay’adaha jaalka la ah Wasaaraddda Cafaimaadka sida Save the Children, WHO iyo UNICEF ayaa si qoto dheer dib loogu eegayay hawlaha iyo xogta talaalka, adeeg baahinta iyo heerka isticmaalka adeegyadda Talaalka ee sanadkii 2024 iyo qorshaynta hawlaha Sanadka 2025 oo la filayo in xooga la saaro Talaalka goobaha durugsan sida tuulooyinka fog-fog iyo reer guuraaga.
C/risaaq Abshir Xirsi, Agaasimaha waaxda Caafimaadka Asaasiga ah oo soo xiritaanka Shirka ka hadlay ayaa ku Booriyay dhamaan bahda Caafimaadka ee shirka ka qayb gashay inay ku shaqeeyaan qorshaha la dajiyay ee sanadka 2025, daadajiyaan qorshaynta talaalka ilaa heer degmo iyo xarun Caafimaad, wax ka bartaan caqabadihi sanadkii hore lasoo darsay si sanadka 2025 looga gaashaanta caqabaha ay kamid yihiin kor u kaca xanuunadda Talaalka looga hortago iyo sidoo kale adkaynta wacyigalinta iyo wada shaqaynta bulshadda si kor loogu qaado adeeg bixinta tallaalka iyo guud ahaan Caafimaadka.
Shirka dib u eegista iyo qorshaynta ayaa kusoo dhamaaday jawi wanagsan ayadoo lakala qaatay waajibyo leh waqti cayiman oo lagu fulin doono.
DHAMMAAD















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.