
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhinayo Isbitaalka degmadda Bilidhidin.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhinayo Isbitaalka degmadda Bilidhidin.
Agaasimaha oo kormeer shaqo ku jooga degmadda ayaa booqday isbitaalka waxaana uu kula kulmay shaqalaahq ka shaqeeya waxaana uu uga mahadceliyay adeega ay bulshadooda u hayaan kula dardaarmay inay sii laba jibaraan, agaasimaha ayaa kadib dhagax dhigay qolka qaliinka (Operation Theater) iyo qolka dawada.
Agaasimaha ayaa balan qaaday in ka wasaaradda caafimaadka ahaan diyaar uyihiin waxa uga aadan hawalaha horumarinta caafimaadka ee degmadda.
Agaasimaha waxaa kormeerka ku wehelinayay kuxigeenka isuduwaha caafimaadka Gobolka Bari Abdulaahi dharaar.
DHAMMAAD



XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.