
Wasaaradda caafimaadka DPL ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay shirka dib u eegista xogta gabdhaha marwo caafimaad ee ka shaqeeya magaalooyinka iyo degmooyinka Puntland.
Wasaaradda caafimaadka DPL ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay shirka dib u eegista xogta gabdhaha marwo caafimaad ee ka shaqeeya magaalooyinka iyo degmooyinka Puntland.
Shirkan ayaa saddexdii biloodba mar dhaca si loo eego xogta ay gabdhaha marwa caafimaad, waxaa dib loogu eegaa tayada xogta iyo caqabadaha markaa taagan si xal loogu helo.
Shirka ayaa socon doona laba maalmood waxaana ka qaybgalaya kormeerayaasha marwa caafimad oo 22 gabdhood oo dhamaan gobolada puntland ka kala yimd waxana iska kaashanaya wasaaradda caafimaadka iyo Hay’adda PSI oo mashruuca wasaaradda kala shaqaysa.
Waxaa furitaanka shirka ka qaybgalaya masuuliyiinta caafimaadka gobolka Bari, masuuliyiinta mashruuca Marwo caafimaad iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda dhexe ka socday.
DHAMMAAD
















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.