Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children iyo Ururka Dhalinyaradda Gobolka Karkaar ayaa soo gabo-gabeeyay ololaha wacyigalinta dadwaynaha ee Tallaaladda iyo guud ahaan Caafimaadka kasoo soconayay muddo Asbuuc ah.

30 Jan

Ololaha ayaa dadweynaha gobolka lagu wacyigalinayay Tallaaladda iyo guud ahaan Caafimaadka.

Xafiiska Caafimaadka Gobolka Karkaar oo hawlaha wacyigalinta Hormuud u ahaa ayaa booqday xarumaha waxbarashada sida iskoolada hoose, dhexe iyo sare, Jaamacadaha, Machadyadda Caafimaadka iyo Goobaha kale ee dadwaynaha si bulshadda wacyigooda Caafimaadka kor loogu qaado, lagulana wadaago xogta hawlaha Caafimaadka iyo bulshada in lagu dhiiragaliyo inay qayb ka qaataan wacyigalinta Caafimaadka,ayna sii gaarsiiyaan bulshadda si loo xoojiyo wacyiga bulshadda ee arimaha Caafimaadka.

Sidoo kale kooxaha wacyigalinta bixinaya waxay xooga saareen inay dadwaynaha la wadaagaan xogta tallaalada guud iyo kuwa ay wasaaradda caafimaadka Puntland qorsheenayso inay bilowdo inta lagu gudo jiro sanadka 2025 sida Tallaalka Oofwareenka (Pneumococcal conjugate vaccine) iyo Tallalka shuban ee u sababo Fayraska loo yaqaan Rotovirus.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.