Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Hooyada iyo dhallaanka ayaa qabatay tababar kor loogu qaadayo adeegyada hooyada iyo dhallaanka
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qaybta Hooyada iyo dhallaanka ayaa qabatay tababar kor loogu qaadayo adeegyada hooyada iyo dhallaanka
Shirkan ayaa looga hadlay sidi kor loogu qaadi laha adeegyada hooyada iyo dhallaanka, caqabadaha jiray sanadkan 2024 iyo qorshaha sanadka 2025.
Su’di Hamid Isse madaxa qabta hooyada iyo dhalaanka wasaarada oo shirka ka hadashay aya tiri
“Qaybtu waxay dadaaalo faro badan ku bixisay sidi kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyada oo lagu guulaystay in la yareeyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka, la baahiyo xarumaha iyo sido kale in kor loo qaado tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka .”
Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa tababarka furay:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa shirkaan muhiimka ah oo dib loogu eegayo horumarkii laga sameeyay adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo laf dhabar u ah adeegyada ay bulshada u hayso wasaarada caafimaadka waxaana uso jeedinaya dhamaan saxiibada wasaarada caafimaadka in ay laba laabaan dadaalada kor loogu qaadayo adeegyada hooyada iyo dhallaanka.”
“ Waxaan uga mahadcelinayaa qaybta hooyada iyo dhalaanka wasaarada dadaalkooda waana ku amaanayaa, shaqada ay hayaan sidoo kale hay’addaha wasaraadda la shaqeeya.”
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.