Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xafiiska Caafimaadka Gobolka Karkaar ayaa maanta magaalada Qardho ku qabtay kulan wacyigelin ah oo ku aadan kor u qaadista baraaruga bulshada ee tallaalka looga hortagayo Oofwareenka iyo Shubanka

24 Dec

Xafiiska Caafimaadka Gobolka Karkaar ayaa maanta magaalada Qardho ku qabtay kulan wacyigelin ah oo ku aadan kor u qaadista baraaruga bulshada ee tallaalka looga hortagayo Oofwareenka iyo Shubanka

Xafiiska Caafimaadka Gobolka Karkaar ayaa maanta magaalada Qardho ku qabtay kulan wacyigelin ah oo ku aadan kor u qaadista baraaruga bulshada ee tallaalka looga hortagayo Oofwareenka iyo Shubanka oo sanadka 2025 ka bilaabanaya Puntland.

Kulankani oo ay kasoo qaybgaleen xildhibaano ka kala socday golaha wakiilada Puntland iyo golaha deegaanka degmadda Qardho, masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadka gobolka Karkaar, bahwadaagta kala duwan ee caafimaadka gaar ahaan hay’addaha Save thechildren iyo Bisha Cas, ururka dalada dhalinyarada Gobolka iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka Qardho.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii dhinacyadani uga qaybqaadan laahayeen ku baraarujinta bulshada faa’iidada uu leeyahay tallaalkan oo lagaga hortago cudur dhimasho sababi kara caruurta iyo inay door muhiim ah ka qaatan sidii bulshada loo gaarsiin lahaa.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka Ee gobolka Karkaar Dr Abdulaahi Cartan oo ka hadlay madasha ayaa yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan iskugu nimaano madashan wacyigalinta bulshada lagu gaarsiinayo diyaar garowga talaalka cudurada Oofwareenka iyo Shubanka, sida aan la wada socotaan waxa xarumaha ka socda talaalo joogto ubaxa iyo kuwa ololayaal ah oo sanadka la qabto sanadkii labo jeer kuwasoo caruurta talaal lagu siiyo kuwaana waa kuwa cusub oo soo kordhay, waxaan rajaynayaa inay kor uqadaan caafimaadka caruurta kana hortagaan xanuunadan, gobolka karkaar waxa labadan cudur kamid yihiin kuwa ugu badan ee xarumaha caafimaadka ilmaha loo keeno madaama qabow badan ka jiro. Waxaan rajaynayaa fariinta maanta dhakhaatiirtu idiin dhiibayaan inaad gudbisaan shaqadiinana aad ku hormarisaan.”

Dr Abdirahmaan Yusuf Muuse, Dr Sugule iyo Dr Saynab Dr Yasiin oo ka hadlay madashan ayaa shaqaalaha caafimaadka la wadaagay muhiimada Talaalka guud ahaan uleeyahay caruurta, si gaar ah kuwa sanadka soo socda bilaabanaya ee Oofwareenka iyo Shubanka oo cusub una baahan in la fahansiiyo waalidiinta inay ilmahooda siiyaan, cudurada caruurta ku dhaca intooda badan talaal kaliya ayaa looga hortagi karaa, aan isku kaashano inaan bulshadeena adeega gaarsiino korna uqaadno caafimaadkooda.

Kulanka waxaa qabatay wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland xafiiskeeda Gobolka Karkaar oo kashanaysa Hay’adda Save the Children.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment