Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland xafiiskeeda Gobolka Bari oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay kulanka wacyigelinta Tallaalka cusub ee Carruurta Cuduradda Oofwareenka iyo Shubanka

24 Dec

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland xafiiskeeda Gobolka Bari oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay kulanka wacyigelinta Tallaalka cusub ee Carruurta Cuduradda Oofwareenka iyo Shubanka

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland xafiiskeeda Gobolka Bari oo kaashanaya Hay’adda Save the Children ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay kulanka wacyigelinta Tallaalka cusub ee Carruurta Cuduradda Oofwareenka iyo Shubanka oo Puntland laga bilaabi doono Sanadka 2025.

Kulanka ayaa iskugu jiray wacyigalin iyo baraarujin bulshadda iyo Hawladeenada Caafimaadka sidii wacyigalintooda talaalka kor loogu qaadi lahaa uguna diyaar garoobi lahaayeen bilaabida talaaladda cusub ee Oofwareenka iyo Shubanka oo ah Taaalo aad muhiim u ah maadaama ay la dirirayaan labo cudur oo halis ku ah ilmaha soomaaliyeed kuwaasoo sababa dhimashadda ugu badan ee ilmaha 5-sano kayar.

Bashiir Farax Saciid kuxigeenka gudoomiyaha degmadda Boosaaso oo shirka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-

“ Farxad ayay ii tahay inaan ka soo qaybgalo kulanka wacyigalinta ah oo loo sameynayo hawl wadeenada caafimaadka ee gobolka Bari guud ahaan gaar ahaan magaalada Boosaaso, waliba waxa uu ku soo aaday waqti lagu jiro xili qaboobaha inta badana ay kordhaan cudurada qaarkooda si gaar ah shubanka,hooyooyinka waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ku saabsan sidii loogu dadaali lahaa nadaafada guryaha iyo mida guud si looga fogaado in qashinku uu sababo cudurka shubanka.

“Waxaan kasoo qaybgalayaasha kula dardaarmayaa inay fariinta caafimaad ee aad qaadaysaan dhug iyo faham uyeelataan kuna dabaqdaan shaqadiina maalinlaha ah ee aad wadeen si masuuliyadiina aad u gudataan.”

Siciid Mohamed waraabe isuduwaha wasaaradda caafimaadka DPL gobolka Bari oo ka hadlay ayaa yiri:-

“ Munaasibada maanta aan uwada joogno waa mid muhiim ah inta badana maaha kuwa la qabto, waxaan la iska wacyigalinayaa talaalada muhiimada ay uleeyihiin caruurteena si looga hortago cudurada dilaaga ah si gaar ah Oofwareenka iyo Shubanka oo hadda la bilaabayo sanadka cusub ee 2025. Ka hortaga iyo ku kor uqaadida wacyiga bulshada maahan masuuliyad gar ah waa mid bulshada oo dhan saraan qof kastana gaarkiisa looga doonayo lana gaarsiiyo meelkasta oo bulshadu ku nooshahay.”

“ Xanuunka oofwareenka waa xanuun ku dhaca qaarka sare ee ilmaha waxaana ugu muhiimsan ee looga hortagi karo waa talaalka inta badana cudurada faafa waxaa looga hortagaa ama difaac unoqda ilmaha talaalka inuu dhamaysto, shubanku waqtiyo gaar ah ayuu leeygahay oo ay akmid tahay waqtiga qaboobaha xili roobaadka iyo wqtiyada lamid ah nadaafada in kor loo qaado ayaa ugu muhiimsan. Dhamaanteen waxaan rajaynayaa inaan fariimaha qaadno meelkasta gaarsiino si muglehna uga faa’idaysano bulshadeena waa inaan gaarsiino adeeg caafimaad iyo fariin caafimaad.”

Dr. Abdirahman Yusuf Muse iyo Dr. Deqa Yusuf Cadami ayaa si wada jir ah hadalo iyo casharo muhiim ah ujeediyay ka soo qaybgalayaasha waxayna la wadageen muhiimada talaalku leeyahay iyo sida uu difaac ugu yahay caruurta ka yar 5 sano.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment