Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta booqasho ku tegey Isbitaalka Carafaat Iyo Isbitaalka Hooyada, dhallaanka iyo Carruurta ee Yaashfiin Garoowe.

11 Dec

Wasiirka ayaa waxaa isbitaalada uu booqday ku soo dhoweeyey maamulka Isbitaalka Dr. Maxamed Cali Maslax kaaso kormeer ku tusey Isbitaalka qaybihiisa kala duwan sida CT scanka, MRI, Sheybaarka iyo Dentalscan.

Dhanka kale Isbitaalka Hooyada, dhallaanka iyo Carruurta ee Yaashfiin Garoowe, waxaa ku qaabilqy Dr. Ibraahim Yuusuf oo ah Dhakhtarka Carruurta iyo Dhallaanka , ujeedka booqashada wasiirka ayaa daarnayd u kuurgalida iyo booqashada bukaanada isbitaalka jiifa iyo si gaar ah ogaanshaha xaaladihii ugu dabeeyay ee cudurka Gawracatada oo isbitaalada lagu tacaalayay caruur uu ku dhacay.

Wasiirka ayaa booqaday qaybta karantiilka taaso lagu daryeelo carruurta qabta cudurrada gowracaratada iyo jadeecada, iyo qaybta lagu koriyo dhalaanka aan bila dhamaysan ee isbitaalka.

Kormerka kadib wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay maamulka iyo dhakhaatiirka warbixin guud oo isbitaalada ah iyo baahiyaha ka jirana ka dhagaystay, waxaana uu uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada uhayaan.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehelinayay agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig, agaasimayaasha caafimaadka asaasiga ah iyo Qorshaynta wasaaradda caafimaadka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.