Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababarka helitaanka xogta dhimashada hooyada iyo dhallaanka Puntland (MPDSR).
Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland oo kashanaysa hay’adda PSI ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababarka helitaanka xogta dhimashada hooyada iyo dhallaanka Puntland (MPDSR).
Tababarka oo soconaya 4 maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya shaqaale ka socday isbitaalada gobolka Nugaal kuwaasoo iskugu jira dhakhaatiir, umulisooyin, Shaybaaristayaal iyo Farmashiyaasha.
Cabdiqani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland oo ka hadlay tababarka ayaa yiri:-
“ Farxad ayay noo tahay inaan idinkala soo qqybgalno tababarka muhiimka ah, sida aad wada ogtihiin wadankasta horumarkiisa waxa laga cabiro helitaanka xogta dhimashada hooyada iyo dhalaanka, iyadoo la dabagalayo cudurada keena dhimashadooda.”
“ Muhiimada ugu waaweyn ee mashruuca Damal Caafimaadka waaa sara uqaadida adeega la siinayo hooyada iyo dhalaanka, xarumo badan ayaa ka furan Puntland oo bixiya adeega caafimaadka waxase ugu weyn ee loo baahanyahay waa sidii kor loogu qaadi lahaa tayadooda bulshadana loogu dhawayn lahaa. Waxaad ogtihiin idinka inaad tihiin lafdhabarka bixinta adeega iyo tayaynteeda tababarada noocaan oo kale ahna sidaas ayaa inta badan wasaaradda iyo PSI iskaga kaashadaan madaama shaqaale aqoon leh ayaa bixin kara adeega caafimaad ee loo baahanyahay.”
Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah wasaaradda caafimaadka Mudane Abdirisaaq Abshir Xirsi oo tababarka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta uwada fadhinaa furitaanka tababarkan mihiimka ah oo daaran sidii xog dhamaystiran looga heli lahaa dhimashada hooyada iyo dhalaanka, sida aad wada ogtihiin waan fududaysanaa ama yaraysanaa soo gudbinta xogta waana waxa ugu muhiimsan marka la joogo caafimaadka, xogta marka la helo ayaa la ogaan karaa xaalad ka jirta kadibna looga jawaabi karaa, inta badan xarumaheena si buuxda uma diiwaangaliyaan dhimashada ku timaada hooyada iyo dhalaanka waxaa la rabaa in la diiwaangaliyo, lana baaro waxa sababay dhimashada ama keenay.
“Dhabaatooyinka ina haysta waxaa ka mid ah in ilmaha marka uu xanuusado waalidka farmashiye tago dawo iska soo qaato kadibna ilmaha la siiyo taasoo dhibaato badan ku keentay waalidiinta waa in kor loo qaado wacyigooda lagula taliyo inay ilmaha dhakhtar geeyaan dawada uu uqorana udhamaystiraan.
“Tababarada waa inay wax ka badalaan aqoontiisa iyo shaqadiina labadaba ee aan kaliya laga soo qaybgalin lagana noqon. Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda PSI oo si dhaw ugala shaqaysa wasaaradda caafimaadka tababarida iyo kor uqaadida aqoonta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolka Nugaal oo uu ka socdo mashruuca damal caafimaad.”
Tababarka waxaa waday oo fududaynayay Sucdi Hamid Isse Madaxa Hooyada iyo dhalaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND