Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe wasaarada ka furay tababar ku saabsan casriyeynta iyo kaydinta xogta shaqaalaaha Wasaaradda, furitaanka Tababarka oo ay ka qayb galeen wasiiru-dowlaha, Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha, waxaa lagu sharaxay faa’iidada barnaamijkan casiga ah ee wasaaraddu u leeyahay.

Agaasimha waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha guud ayaa labaduba sharaxay muhiimada barnaamijkaan, waxaana ay ka qayb galayaasha kula dardaarmeen in ay ka faaidaystaan.
Wasiirka caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qorsheel ayaa tilmamay in barnaamijkaan ahmiyad wayn u leeyahay wasaarada oo uu ka saacadiyo in si fudud loo heli karo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha 3kun ka badan ee wasaarada caafimaadka u shaqeeya.
Tababarkaan oo socon doona mudo 2maalmood ah waxaa ka qayb galaya shaqaalaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaarada dhexe iyo gobolada iyo degmooyinka iyo masuuliyiinta xarumaha caafimaadka dowliga ah.