Wasiiru-dowlaha Wasaaradda ahna kusimaha wasiirka wasaaradda caafimaadka DPL Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo ay hogaaminayo Madaxa UNHCR ee Puntland Mr. Xhemil shahu.

Shirkaan uu ujeedkiisu ahaa soo dhawayn iyo isbarasho guud, maadaama uu shaqada ku cusub yahay Madaxa Puntland ee hay’adda UNHCR ayaa waxaa si qoto dheer looga wadahadley sidii horay loogu sii wadi laha wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa wasaaradda iyo UNHCR.
Wasiir Ahmed Sheekh Farax ayaa uga mahadceliyay madaxda UNHCR booqashadooda wasaaradda waxaana uu kw codsaday in laga wada shaqeeyo sidii loo sii adkayn lahaa shaqooyinkii socday.
Waftiga ayaa waxaa ku wehelinayay Ghislain theophile programme Officer,Eyoub Kefele protraction Officer, Ghada Abdurazag head Of Field Officer, Mohamed Noor Ass Gov. Liasion Offecer
Wasiirka waxaa kala qaybgalay madaxa qaybta gargaarka deg-dega iyo dabagalka cudurada Sucaad Ahmed Mohamuud.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.