Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo agaasimaha waaxda qorsheynta Wasaaradda ayaa maanta ka qayb galay shir dib loogu eegayo qorshaha xakamaynta cudurka duumada horumarka laga gaaray iyo sidii wax looga qaban lahaa kor u kaca cudurka ee Magaalada Boosaaso.

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda UNICEF iyo WHO, oo uu hogaaminayey Dr Usman Shehu Umar madaxa mashruuca Duumada Global Fund Soomaaliya ee Hay’adda UNICEF.
Shirkaaan oo ahaa mid muhiim u ah xakamaynta Cudurka duumada waxaa hogaaminayey Dr Cabdikariim Xuseen Xasan Madaxa xakamaynta Cudurka duumada ee Wasaarada caafimaadka Puntland, waxaana lagu soo bandhigay horumarka la sameyey, qorshayaasha hor tabtinta leh iyo ka hor taga sare u kaca cudurka duumada ee magaalada Bosaaso oo ay mujiyeen xogihii la soo Bandhigay.