Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ka qaybgalay Ololaha Nadiifinta Caasimadda Garoowe, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, maamulka gobolka iyo kan degmadda Garoowe iyo kumanaan qof oo ka kala yimi xaafadaha magaalada Garoowe kuwaasi oo ka howlgelaya goobo loo qorsheeyay.
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ka qaybgalay Ololaha Nadiifinta Caasimadda Garoowe, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, maamulka gobolka iyo kan degmadda Garoowe iyo kumanaan qof oo ka kala yimi xaafadaha magaalada Garoowe kuwaasi oo ka howlgelaya goobo loo qorsheeyay..
Wasiirka Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maamulka degmadda Gaorowe ee soo qaban qaabiyay ololahan uga mahadceliyay shaqadan muhiima ah ee maanta la qabtay, waxaana uu xusay in qashinku uu keeno cuduro kala duwan oo saamayn ku yeesha bulshada, si loo helo bulsho caafimaad qabta ay muhiim tahay in kor loo qaado nadaafada qashinkana la iska fogeeyo.
Waxaa ololaha iyaguna qayb ka ahaa kooxo caafimaad oo loogu talagalay inay ka jawabaan haddii ay shaqada inta ay socoto dhacaan xaalado caafimaad oo in laga jawaabo ubaahan.
Sanadkan bilawgii ayay ahayd markii qaybo kamid ah gobolada Puntland uu ka dilaacay cudurka shubanka oo sida dhakhaatiirtu sheegtay inta badan ka dhasha qashinka iyo in la cabo biyo aan nadiif ahayn.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.