Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka xanaanada xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Xildhibaano kamida Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Garoowe ku soo dhoweeyay wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Hay’adda Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

30 Sep

Garoowe: 30 September 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Da\owladda Puntland Mudane Siciid Jaaomac Qorsheel, wasiirka xanaanada xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf iyo Xildhibaano kamida Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Garoowe ku soo dhoweeyay wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Hay’adda Global Health Alliance oo fadhigeedu yahay gobolka Minnesota ee USA.

Dhakhaatiirta ka socda hay’adda Global Health Alliance ayaa tababar heerkiisu sareeyo u qaban doona dhakhaatiir laguna tababarayo sidii loo xanaanayn lahaa loona daryeeli lahaa ilmaha waqtiga uu dhasho.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa hadal soo dhawayn ah ka yiri garoonka diyaardaha qaybta VIP wxaaana uu yiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhaweeyo garoonka Gen Mohamed Abshir Garowe intaan oo dhakhaatiir ah oo ka socda hay’adda Global Health Alliance kana yimid dalka Maraykanka, dalkana uyimid inay tababaro caalami ah siiyaan dhakhaatiirta si gaar ah sidii loo xanaanayn lahaa loona daryeeli lahaa ilmaha waqtiga uu dhasho.”

“Waxaan garoonka idinku nimid waa muhiimada aad agtayada ka leedihiin iyo sida aan markasta diyaar ugu nahay inaan soo dhawayno kuna bogaadino dadka nalaga shaqaynaya horumarinta caafimaadka Puntland.”

Bishii May Sanadkaan 2024 ayay tababaro noocaan oo kale ah ku qabteen Puntland waxaana ka faa’iidaystay 64 dhakhtar shahaadooyin caalami ahna la siiyay.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.