Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayna weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan iyo lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey ayaa maanta hay’adda WHO kala wareegay gaari iyo warshad Oxygen.
Garowe: 30 Sep 2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayna wehelinayeen wasiirkuxigeenka wasaaradda Dr Abdirashiid Hassan iyo lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey ayaa maanta hay’adda WHO kala wareegay gaari iyo warshad Oxygen.
Xabiib Shire oo ka socday hay’adda WHO ayaa yiri:-
“ Mudane Wasiir waxaan ku faraxsanahay inaan kugu wareejiyo aniga wakiil ka ah hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO gaari cusub iyo warshad Oxygen oo loogu talagalay in bulshada loogu adeego, waxaan rajaynayaa inuu wax badan ka badali doono adeegyadii socday ee caafimaad.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland la wareegay ayaa yiri:-
“ Waan uga mahadcelinayaa hay’adda caafimaadka aduunka WHO gaariga iyo warshada Oxygenta ee maanta ay wasaaradda ku wareejiyeen, waxaana rajaynayaa shaqooyinkii loogu talagalay lagu qaban doono, ka wasaaradda caafimaad ahana uga faa’iidsysan doono sida ugu wanaagsan.”
“Wasaaradda caafimaadka markasta waxaa ka go’an horumarinta iyo tayaynta caafimaadka Puntland iyo gaarsiinta adeegyada loo baahanyahay iyadoo bulshada lo dhawaanayo.”
Waxaa qayb ka ahaa wareejinta agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, kusimaha agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Muxiyadiin Ahmed Mohamed iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adda WHO.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.