Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Garowe 28 September 2024: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland gaar ahaan qeybta (PSM)ayaa maanta tababbar ku saabsan kor u qaadida tayada xogta Saadka (LMIS) iyo taxliilinta xogta laga soo saaro xarrumaha caafimaadka Puntland.

30 Sep

Mohamud Cabdiqaadir Gaacir Madaxa Xogta Saadka Ee Wasaaradda Caafimaadka Pl oo furitaanka Tababarka ka hadlay ayaa yiri :-

“ Waxaan dhamaan kasoo qaybgalayaasha Tababarka uga mahadcelinayaa ka soo qaybgalkooda, Sadexda maalmood ee soo socda waxaan si tafatiran iskula lafa guri doonaa sida xogta Saadka laga soo aruuriyo xarumaha caafimaadka degmooyinka iyo gobolada kor loogu qaadi lahaa loona taxliilin lahaa si ay unoqoto mid macno yeelata.”

“ Tababbarkaan oo ay ka qaybgalayaan madaxda xogta Saadka gobolada ,qaar ka mida Madaxda Bakhaarada, Hayadaha Caalamiga ah Ee La shaqeeya Wasaarada Caafimaadka Pl ka iyo wasarada dhexe, waxaa la Idinka filayaa inaad maalmaha uu socdo casharada laga bixinayo ka faa’iidaysataan.”

Adna Farax Abdullahi agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka DPL oo shirka furtay ayaa tiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan uwada fadhido Tababarkan muhiimka ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xogta Saadka mid macno lehna looga dhigi lahaa xogta ka timaada xarumaha caafimaadka sida bila ah, sidaan dhamaanteen la wada socono xogtu waa isha ugu muhiimsan ee lagu ogaado is badalka caafimaad dhamaantiin waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’iidasataan maalmaha uu socdo cilmiga aad ka qaadataana ku hormarisaan shaqooyinkiina ugana faa’iidaysaan shaqaalaha kale ee aad shaqo wadaaga tihiin.”

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.