Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa uga mahadceliyay kaalintoodi iyo dadaalkii ay geliyeen qabsoomida xafladdii lagu furay Isbitaalka guud ee Garoowe

24 Sep

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa uga mahadceliyay kaalintoodi iyo dadaalkii ay geliyeen qabsoomida xafladdii lagu furay Isbitaalka guud ee Garoowe

Garowe 24 September 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa uga mahadceliyay kaalintoodi iyo dadaalkii ay geliyeen qabsoomida xafladdii lagu furay Isbitaalka guud ee Garowe, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (dhagaweyne), agaasimaha qorshaynta Mudane Idiris Cabdulaahi Maxamed kusimaha agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Muxiyadiin axmed Maxamed iyo masuuliyiintii kale ee ka kala socday wasaaradda dhexe iyo Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka oo ay hogaaminaysay agaasimaha Isbitaalka Dr Hodan Cali Shire.

Wasiirka ayaa xaflada kadib ku amaanay masuuliyadii cuslayd ee ay guteen iyo sida wanaagsanayd oo ay umaamuleen xaflada iyo waqtigii dheeraa oo ay si mutadawcnimo ah ugu shaqeeyeen, waxaana uu xusay in taariikhdu xusi doonto.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.