Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta guddoomiyay kulan ka dhacay xarunta wasaaradda ee gobolka Mudug.

24 Sep

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta guddoomiyay kulan ka dhacay xarunta wasaaradda ee gobolka Mudug.

Galkacyo: 24 Sebteembar 2024: Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Axmed Shiikh Faarax ayaa maanta guddoomiyay kulan ka dhacay xarunta wasaaradda ee gobolka Mudug.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen isuduwaha iyo kuxigeenka wasaaradda caafimaadka, kuxigeenka agaasimaha isbitaalka Galkacyo iyo agaasimaha isbitaalka Qaaxada ee Galkacyo, waxaana ka qaybgalay madaxda Unocha iyo Unhcr Galkacyo. Waxaana looga hadlayay xaaladihii ay sababeen roobka ka da’ay magaalada Galkacyo iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa kuwa soo socda madaama la galay xili roobaadka magaalada Galkacyo ay kamid tahay meelaha roobabku ay samaynta ku yeeshaan, Isbitaalka magaalada ayaa ka mid ah meelaha roobabku ay dhibaatada ugaystaan, waxaana la bilaabay xog uruurin ku saabsan sidii biyaha looga saari laha, mustaqbalka dhawna loogu samayn lahaa qaybta biya saarka.

Wasiirdawle Ahmed Shiikh ayaa hay’addaha UN uga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda caafimaadka waxaana uu ka rajeeyay in la sii laba jibaaro.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND