Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Safiirka Dalka Germalka ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth ayaa Galabta xariga ka jaray Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.
Garoowe: 23 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Safiirka Dalka Germalka ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth ayaa Galabta xariga ka jaray Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.
Xaflad balaaran oo ka dhacday Isbitaalka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday laba golaha xukuumada iyo golaha wakiilada Puntland, wasiirku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan, masuuliyiin ka socota wasaaradda caafimaadka Puntland, maamulka degmadda oo uu hogaaminayo duqa degmadda Garowe Cabdiqaadir Maxamed Mohamuud Geedi, madaxa somaaliya hay’adda UNICEF Wafaa EIFadil Saeed, saraakiil sare oo ka socday hay’addaha UNICEF Iyo PSI, dhakhaatiirta, odayasha dhaqanka haweenka iyo dhalinyaro.
Dr Hodan Cali Shire Agaasimaha Isbitaalka ayaa ugu horayn ka warbixisay dhismaha lagu so kordhiyay isbitaalka iyo qaybaha la dayactiran kuwa socda ayaa tiri:-
“ Mudane Madaxweyne, wasiirka wasaradda caafimaadka dhamaan ka soo qaybgalayaasha xaflada furitaanka Isbitaalka waan idinka mahadcelinayaa, isbitaalka waxaa lagu soo kordhiyay oo waliba si fiican loo dhisay qaybta gargaarka degdeg ah, qaybta dhakhaatiirta ay fariistaan, qaybta hooyadda iyo dhalaanka oo iyana wax badan laga qabtay, waxaa dhismahooda socda qaybta ICUda, qaybta bankiga dhiigga, qaybta kilyaha oo dhawaan la dhagax dhigi doono. Isbitaalka waxaa ka hawlgala ilaa 20 dhakhtar oo qaybtood takhasusaad gaar ah leeyihiin, qaybo badan oo kamid ah adeega waa lacag la’aan.”
Wafaa EIFadil Saeed madaxa hay’adda UNICEF somaaliya oo ka hadashay xaflada ayaa tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo furitaanka isbitaalka Garowe oo dhismayaal cusub oo casri ah lagu soo kordhiyay qaybo kalena la dayactiray, waxaan rajaynayaa inuu wax badan ka badali doono shaqada isbitaalka iyo guud ahaan adeega caafimaadka gobolka, isbitaalka waxa uu qayb ka ahaa isbitaalo laga dhisay degmooyinka Burtinle, Bacaadweyn iyo Galdogob sidoo kale xarumo caafimaad oo la dayactiray, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Puntland iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka kaalintoodii ay ka qaateen dhamaystirka isbitaalka oo waqti dheer qaatay ugu danbeyn maanta la furayo isaga oo si casri ah udhisan una qalabaysan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa dalka Germalka iyo sanduukha KFW oo dhaqaalaha bixisay.“
Ambassador Sebastian Groth Safiirka Dalka Germalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta qayb ka noqdo furitaanka Isbitaalka magaalada Garowe oo si casri ah loo dhisay qaybtiisa loo dayactiray loona qalabeeyay, waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha iyo wasiirka caafimaadka kaalintoodii korjoogtaynta iyo la socoshada hadba meesha uu marayo, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa hay’adda UNICEF oo mashruuca fulinteeda lahayd shaqadoodina sida ugu wanaagsan uqabatay iyo KFW oo iska kaashanayay, waxaan rajaynayaa in isbitaalka laga helo adeega looga baahanyahay uuna nolol cusub unoqdo bulshada Puntland.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland oo xaflada ka hadlay ayaa yiri:-
“ Maanta waa maalin taariikhi ah waa mid waqti xasuusaha waqti dheer maskaxdeenq ku jiri doona, markaan xilka nimid aniga iyo hogaanka cusub ee wasaaradda caafimaadka waxa ugu weynaa oo qorshayagu ahaa fulinta qorshayaashii madaxweynaha Dr Siciid ee ahaa in la helo isbitaalo buuxin kara baahiyaha caafimaadka bulshadeena kuwaasoo looga maarmo kuwa dibada.”
“ Isbitaalada Germalku ay wax ka qabteen ayaa kala ahaa Burtinle, Bacaadweyn, Galdogob oo hadda socda iyo kan Garowe oo isagu uguna weyn shaqada ugu badana laga qabtay, waxaana loo dhisay si casri ah loona qalabeeyay lagana helayo adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Waxaan rajaynayaa bulshadu inay dhakhaatiirta dalkooda aaminaan, kana faa’iidaystaan.”
“ Mudane Madaxweyne shaqada aan rabno inaan ka qabano caafimaad waa bilaw, waxaan rajaynayaa inaan horumarino xarumaha caafimaadka tayaynana adeegyada laga helo, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo wadanka Germalka, Hay’adda UNICEF iyo KFW waxay noo qabteen waxaana rajaynaya inay kuwa kalena wax nagala qaban doonaan mustaqbalka.
Dr Siciid Abdulaahi Dani madaxweynaha Dawladda Puntland oo si rasmi ah ufuray isbitaalka ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xariga ka jaro isbitaalka magaalada Garowe oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, kana mid noqon doona kuwa ugu horeeya soomaliya oo dhan, waxaa dhamaaday dhismihii oo galabta furayaa, waxaan sugnaa waa adeegii looga baahnaa in laga helo si dhamaystiran, waxaan bogaadinayaa shaqada hogaanka cusub ee wasaaradda caafimaadku qabteen mudadii ay xafiiska joogeen, waxaan soo jeedinayaa in bulshadu kaalinteedii korjoogtaynta iyo la socoshada adeegyada caafimaadka qaataan, si gaar ah waxaan ufarayaa golada deegaanka cusub ee la doortay inay waqti kasta la socdaan xarumaha caafimaadka iyo shaqada ka socota dhankoodana isla xisaabtan ka yimaado.”
“ Waxaan rajaynayaa in cisbitaalku buuxin doono baahiyaha caafimaad ee bulshadeenu uqabto dalka dibadiisa kaasoo dhaqaale badan iyo safaro ay uga baxaaan waxaan isleeyahay wadamada la tago qaarkood dhakhatiirta dalka joogta ayaa ka aqoon badan ama dawayn karta marka waa in dalka la aamino laguna kalsoonaado, ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa safiirka Germalka Soomaaliya iyo madaxa UNICEF Soomaliya kasoo qaybgalkooda iyo garab istaagooda.”
Waxaa xafladda si gaar ah looga mahadceliyay kaalintoodii wax ku oolka ahayd shirkada korontada Necsom oo isbitaalka koronta bilaash ah siisa qalabka iyo xafladana maanta korontada bixisay.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.