Maamulka wasaaradda caafimaadka Gobolka Sanaag ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wefdiga wasiirka wasaaradda Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku tegey magaalada.
Badhan: 19 Sep 2024: Maamulka wasaaradda caafimaadka Gobolka Sanaag ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wefdiga wasiirka wasaaradda Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta safar shaqo ku tegey magaalada.
Agaasimaha Qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sanaag Fadumo Ibrahim Ismacil, isuduwe kuxigeenka Faysal Axmed Maxamed, Drs Xaawo Xasan Maxamed madaxa caafimaadka asaasiga ah ee gobolka iyo agaasimaha Isbitaalka Axmed Jibriil Cali ayaa ka qaybgalay.
Dr Faatima ayaa sheegtay in kulanka uu ahaa is barasho iyo soo dhawayn hogaanka cusub ee wasaaradda caafimaadka oo markii ugu horaysay gobolka yimid.
Wasiirka Siciid Jamac Qorsheel ayaa maamulka wasaaradda caafimaadka gobolka Sanaag uga mahadceliyay soo dhawaynta iyo casumaadooda, waxaana uu xusay inta ay joogaan gobolka inay mari doonaan xarumaha caafimaadka si ay usoo arkaan shaqada ka socota sidoo kale ay la wadaagi doonaan qorshayaasha horutabinta uleh ee wasaaraddu ka damacsantayay gobolka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.