Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Duqa Degmadda Burtinle Axmed Cabdirisaaq Cali Dheereeye iyo madaxa PSI Puntland Cabdiqani Xirsi ayaa maanta tababar usoo xiray guddiga caafimaadka Bulshada ee degmadda Burtinle. Tababarkan oo soconayey 6 maalmood ayaa lagu qaadanayey sidii guddigu iskugu xiri lahaayeen xarumaha caafimaadka iyo bulshada degmadda Garowe.

22 Sep

Duqa Degmadda Burtinle Axmed Cabdirisaaq Cali Dheereeye iyo madaxa PSI Puntland Cabdiqani Xirsi ayaa maanta tababar usoo xiray guddiga caafimaadka Bulshada ee degmadda Burtinle. Tababarkan oo soconayey 6 maalmood ayaa lagu qaadanayey sidii guddigu iskugu xiri lahaayeen xarumaha caafimaadka iyo bulshada degmadda Garowe.

Burtinle,19, Sep, 2024: Duqa Degmadda Burtinle Axmed Cabdirisaaq Cali Dheereeye iyo madaxa PSI Puntland Cabdiqani Xirsi ayaa maanta tababar usoo xiray guddiga caafimaadka Bulshada ee degmadda Burtinle. Tababarkan oo soconayey 6 maalmood ayaa lagu qaadanayey sidii guddigu iskugu xiri lahaayeen xarumaha caafimaadka iyo bulshada degmadda Garowe.

Abdikani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa yiri:-

“Waxaa maanta inoo soo xirmaya tababar soconayay mudo 6 maalmood ah kaasoo loo qabtay guddiga caafimaadka bulshada ee degmada Burtinle, guddiga ayaa loogu talagalay inay ka shaqeeyaan sidii ay iskugu xirmi lahaayeen xarumaha caafimaadka iyo bulshada ku nool tuulooyinka, xaafadaha magaalada, waxay sidoo kale qayb ka qaadanayaan sidii ay uga warhayn lahayeen tayada xarumaha caafimaadka iyo shaqada wasaaraddu ka wado. Hay’adda PSI waxay wasaaradda ka wada shaqeeyaan mashruuca Damal caafimaad oo ka socda gobolka Nugaal waxaana la idinka rabaa inaad si dhaw ula socotaan sida uu ushaqeeyo iyo guulaha laga gaaray.”

Ahmed Abdirizak Dheereeye Gudoomiyaha degmadda Burtinle oo shirka soo xiray ayaa yiri:-

“ Waxay noo tahay fursad inaan idinoala soo qaygalno xiritaanka tababarka muhiim ah ee mudada todobaadka ah idiin socday, kaasoo la idinkula wadaagaya muhiimada aad uleedihiin horumarinta iyo daadajinta adeega caafimaadka degmadda Burtinle. waxay bogaadinayaa inaad qayb ka noqon doontaan la socoshada iyo horumarinta caafimaadka degmadda si looga faa’iidaysto mashruuca Damal caafimaad.”

“ In la dhiso guddiyo abaabulan oo ka shaqeeya siday ula socon lahaayeen xarumaha caafimaadka adeegyada laga bixiyo haday wax dhimanyihiina sidii la iskaga kaashan lahaa in la dhamaystiro. Barnaamijka gobolka ka socda waxa uu dhamaanayaa sanadka soo socda 2025 dhexdiisa marka waa inaan usii tabaabushaysano sidii ay usii socon lahaayeen adeegyada caafimaad ee socday.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa maamulka caafimaadka gobolka iyo Hay’adda PSI ee tababarka ka wada shaqeeyay waxaan rajaynayaa idinkuna inaad kaalintiina ka soo dhalaashaan insha allah.”

Tabarkan waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka iyo Hay’adda Population Services International (PSI), kana shaqaysa mashaariicda Damal Caafimaad iyo Marwo caafimaad.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.