Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah weftiga balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Madane Cabdirisaaq Axmed Siciid ku weheliyey safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa saaka booqday xarunta caafimaadka Kaladhac ( Kaladhac Health Center)
Kaladhac, Sep 19, 2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah weftiga balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Madane Cabdirisaaq Axmed Siciid ku weheliyey safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa saaka booqday xarunta caafimaadka Kaladhac ( Kaladhac Health Center)
Waxaa xarunta caafimaadka ku soo dhaweeyay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Haylaan Jamac Maxamed Samatar iyo maamulka xarunta waxayna warbixin laga siiyay xarunta qaybaha ay ka koobantahay iyo adeegyada laga bixiyo.
Wasiirka Siciid Jamac Qorsheel ayaa bogaadiyay shaqada ka socota xarunta waxaana uu ku amaanay masuuliyiinta wasaaradda ee heer gobol iyo heer degmo dadaalkooda waxaana uu xusay in si dhaw wasaaraddu uga warhayn doonto xarumaha caafimaadka.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Abdirisaaq Ahmed Siciid ayaa wasiirka iyo maamulka caafimaadka gobolka ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay xarunta caafimaadka kala
Dhac iyo dhamaan xarumaha uu soo arkay, waxaana uu soo jeediyay in la sii laba jibaaro.
Safarka wasiirka waxaa qayb ka ah agaasimaha Qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland mudane Idiris Abdulaahi Mohamed.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.