Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah weftiga balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ku weheliyey safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta booqday xarunta caafimaadka Buraan
Buran, Sep 18, 2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah weftiga balaaran oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ku weheliyey safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa maanta booqday xarunta caafimaadka Buraan.
Waxaa xarunta caafimaadka Buran ku soo dhaweeyay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Haylaan Jamac Maxamed Samatar iyo maamulaha caafimaadka asaasiga ah Dr Sahro waxayna warbixin ka siisay xarunta qaybaha ay ka koobantahay iyo adeegyada ay bixiso, waxay codsatay in xaruntu dhisme ahaan ku yartahay wasaaraddana ay ka codsanayso in dhismaha loo kordhiyo.
Wasiirka Siciid Jamac Qorsheel ayaa bogaadiyay shaqada ka socota xarunta waxaana uu ku amaanay masuuliyiinta wasaaradda ee heer gobol iyo heer degmo dadaalka ay galiyeen iyo shaqada siday u hormarsantahay, waxaana uu xusay in baahiyaha ka jira wasaaraddu ka hawlgali doonto sidii wax looga qaban lahaa, kana goantahay ka wasiiro ahaan in la hormariyo dadkana loo dhaweeyo adeega caafimaadka.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Abdirisaaq Ahmed Siciid ayaa wasiirka iyo maamulka caafimaadka gobolka ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay xarunta caafimaadka Buran waxaana uu wasaaradda caafimaadka ku amaanay in adeega caafimaadka iskaga xilsaartay sidii bulshada loogu dhawayn lahaa muwaadin kastana adeega uga heli lahaa degmadiisa ama meesha u daganyahay halka uu meel kale usoo aadi lahaa.
Safarka wasiirka waxaa qayb ka ah agaasimaha Qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland mudane Idiris Abdulaahi Mohamed.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.