Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan ayaa maanta kormeeray Cisbitaalka Magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday dhowaana la furi doona

16 Sep

wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan ayaa maanta kormeeray Cisbitaalka Magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday dhowaana la furi doona

Garowe: 16 September 2024:- wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan ayaa maanta kormeeray Cisbitaalka Magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday dhowaana la furi doona. Waxaa kormeerka ku wehelinayay madaxa xafiiska Garowe UNICEF Marwo Edith Kabui iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda UNICEF, waxaana Isbitaalka ku soo dhaweeyay agaasimaha Dr Hodan Cli Shire.

Ujeedka kormeerka wasiirka ayaa ahaa inay soo arkaan halka cisbitaalka dhismihiisu marayo waxayna warbixino ka dhagaysteen agaasimaha cisbitaalka Dr Hodan iyo shirkada dhismaha gacanta ku haysa, waxaana lagu wadaa in waqti dhaw la furo.
Wasiir kuxigeen Abdirashiid ayaa shirkada dhisaysa iyo hay’adda UNICEF uga mahadceliyay dadaalka la galiyay iyo dhismaha quruxda badan ee la dhisay waxaana uu ka codsaday in waxa ka dhimana la dadajiyo si loo furo uuna dib u bilaabo adeega uu bulshada siin jiray.
Isbitaalka ayaa noqon doona mid kamid ah kugu ugu dhismaha wanaagsan soomaliya si dhamaystirana loo qalabeeya, hogaanka cusub ee wasaaradda ayaa kordhiyay kormeerka iyo dadajinta dhamaystirka isbitaalka oo sida qorshuhu aha dhaafay waqtigii loogu talagalay in la furo iyadoo ay caqabad ku noqotay qalabka oo dalka dibadiisa laga keenayay iyo cudurka Covid19 oo aduunka ka dilaacay dib udhacna ku keenay safaradii aduunka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.