14
Sep
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo agaasimaha guud Wasaaradda Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar u furay tababar soconaya 5 Maalmood kuna saabsan habka casriga ah lagula soconayo saadka (Last Mile Supply Monitoring).
8-Sep-2024:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo agaasimaha guud Wasaaradda Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee ka shaqeeya barnaamijka nafaqada gaar ahaan nafaqada aadka u daran (Severe Acute Malnutrition) u furay tababar soconaya 5 Maalmood kuna saabsan habka casriga ah lagula soconayo saadka (Last Mile Supply Monitoring).
Tababarka waxaa ka qaybgalaya 98 shaqaale oo kala socday 81 Xarun caafimaadiyo 3 MOH regional Warehouses.
Geoffrey Osubu, khabiir Saadka ee UNICEF Somalia, oo furitaankatababarka ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada tabarkaaan:-
“ Nimadkan cusub wuxuu suura galinayaa in lala socdo dhaq dahqaqasaadka nafaqada laga so bilowbo baaqarka UNICEF ilaa xaruntaadeega ee lagu kheybiyo saadka nafaqada (OTP level).”
Faaidooyinka u leeyahay isticmaalka toolkan cusub
1. In xog sax oo ku saabsan dhamaan saadka nafaqada uu bixiyo
2. In u ka hortago in gacan qaldan ku dhacdo saadka nafaqada (Aid diversion)
3. In uu xoojinaya wada shaqeynta hay’adda UNICEF iyo shaqalaha wasaarada caafimaadka
Side u shaqeeyo:
Aaladan cusub (LMSM) waxa ay xogta ka so heshaa xog uruuriyaha guud ee heyada UNICEF (UNICEF e-tools).
Aaladaan cusub waxaa sahleeysaa in la ogaado goobta sanadka nafaqada uu yaalo maalin walba si loo xaqiijiyo adeeg ku filan caruurta ku xiran xarumaha cafiimadaka.
In la ogaado hadii wax lumay ama la xaday ay jiraan
In uu sahlo in go,an laga gaaro cilada walba oo ku timaado saadkana faqada (OTP level).
Marwo Edith Kabui Madaxa xafiiskaGarowe ee UNICEF, waxayna ka hadashay muhiimada ee leedahay wada shaqaynta Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda caafimaadka ee ku aadan hirgelinta aaladaan cusub lagula soconayo dhaqdhaqaaq saadka nafaqada si looga hortago in gacan khaldan ay ku dhacdo nafaqada loogu talagalay caruurta tabaalaysan.
Dr Mohamed Mohamuud Xidig Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaa farxad iyo sharf noo ah ka soo qaybgalka tababarkaan muhiimka u ah caafimaadka Puntlnad iyo soomaliya labadaba, waxaana muhiimada koowaad u ah sida nidaam la maro loo samayn lahaa iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, waxaan hadda leenahay nidaamyo kale oo kala duwan oo qaarkood caalamka oo dhan laga isticmaalo. Kana waxa uu noqon doonaa mid ku soo kordha aana ku koobnaan kaliya qaybta nafaqada ee nidaamka xogta oo dhan wax ka badala.”
“ Waxaan rajaynayaa tababarka inaad ka faa’iidsystaan sida aad uga faa’iidsysataan ayayna ku xirnaan doontaa sida loogu guulaysan lahaa Mahadsanidin..”
Wasiirka wasaradada caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo tababarkan muhiimka ah, kaasoo laga shaqaynayo sidii loo hormarin lahaa gudbinta xogta ,xifdinta iyo dhawrida waxyaabaha loogu talagalay in lagu nafaqeeyo hooyada iyo ilmaha yar, iyo sidii loo maamuli lahaa waxa ina soo gaara oo aysan udayacmin. Inta badan nidaam marka la sameeyo waqti ayuu ubaahanyahay in la fahmo laguna shaqeeyo waxaan rajaynayaa inaad sida ugu wanaagsan u weeleysaan casharka aad qaadataan una dabaqdaan.”
“Waxa ugu muhiimsan waa in kor loo qaado nidaamka lagu shaqaynayo dalka idinkaa iska leh, waxa la idinka rabaa inaad dhihi kartaan waxaan waxa ka wanaagsan sidaan, sanad kadib waxaan wax iska weydiin doonaa sida looga faa’iidstay iyo haday jiraan caqabado ka horyimid mahadsanidiin. “
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.