06
Sep
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso ayaa kormeeray xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Bari iyo Cisbitaalka Boosaaso.
Boosaaso: 04-09-2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo safar shaqo ku tagay magaalada Boosaaso ayaa kormeeray xafiiska wasaaradda caafimaadka gobolka Bari iyo Cisbitaalka Boosaaso..
Wasiirka ayaa kulan la qaatay maamulka wasaaradda caafimaadka Puntland ee gobolka Bari, waxaana uu warbixin ka dhagaystay maamulka waxaana uu uga mahadceliyay shaqada wangsan ee ay hayaan iyo kaalintooda wax ku oolka ah.
Wasiirka ayaa kormeeray Isbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana uu kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay, waxaa sidoo kale uu booqday qaybta dhaqida kilyaha oo shaqo wangsan ka socoto qalab casri ahna la dhigay.
Wasiirka waxaa kormeerka ku wehelinaayey kusimaha agaasimaha Qorshaynta Idiris Abdulaahi, Isuduwaha kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka gobolka Beri Abdulaahi Dharaar Osmaan.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka iyo Isbitaalka uu maanta booqday uu ku soo arkay shaqo wanaagsan, waxaana uu kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.