03
Sep
Tababarka baarista iyo daaweynta Cudurka Duumada ayaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka.
Tababarka baarista iyo daaweynta Cudurka Duumada ayaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka.
Tababarkaa oo ay ka qayb geleyaan 25 shaqaale Caafimaad oo kala socda gobolada Nugaal, Mudug, Haylaan iyo Sool Kuwaas oo ka howl gala xarumaha hooyada dhallaanka ayaa muddo 5 maalmood ah qaadan doona tababar la xiriira baarista iyo daawaynta Cudurka duumada iyo xakamayntiisa.
Furitaanka tababarka waxaa ka qayb galay sii haya Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaarada Caafimaadka Puntland Idiris Cabdulaahi Maxamed iyo madaxa Xakamayta Cudurka duumada Dr Cabdikariim Xuseen Xasan oo si wada jir ah ka qayb galayaasha tababarka ugula dardaarmay in ka faaidaystaan fursadaan Markii ay xarumahooda ku laabtaana ay bulshada ugu adeegaan si guul looga gaaro xakamaynta Cudurka duumada.