20
Aug
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig iyo siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda Save the Children
19-August-2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig iyo siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wefti ka socdey Hay’adda Save the Children oo uu hogaaminayey ku xigeenkq Madaxa Puntland Maxamed Cabdulaahi Casayr.
Kulanka ayaa looga wada hadlay daahfurka mashruuca CHASP kaasoo ka shaqayn doona gobolka Bari iyo Raas-casayr, Mashruuca Wejigii 3aad ayaa socon doona muddo 3 sanno ah isagoona tageeridoona 59 xaruma caafimaad oo ku kala yaala labadaas gobol, Shirka waxa la isku raacay daahfurkiisa iyo sida ugu wanaagsan ee lagu qabankaro.
Wasiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyey hay’adda Save the children wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda, waxaana uuna xusay in loo baahanyahay in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.