18
Aug
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee mashruuca TB-da oo oo kamid ah 10-ka cudur ee dilaaga ee adduunka
18-August-2024:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay shirka waxqabadka 6dii bilood ee lasoo dhaafay ee mashruuca TB-da oo oo kamid ah 10-ka cudur ee dilaaga ee adduunka.
Shirka oo socon doona 2 maalmood ayaa waxa ka qaybgalaya shqaalaha 20 ka xarumood ee lagu daweeyo qaaxada (TB) Puntland oo ku kala yaala dhamaan gobolada.
Dr Ali Hassan Madaxa Barnaamijka TB wasaraadda caafimaadka Puntland oo ugu horayn ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa shirka soconaya labada maalmood kuna saabsan sidii dib loo eegi lahaa waxqabadkii iyo guulaha laga gaaray lixdii bilood ee sanadka Jan ilaa Jun ee sanadka 2024, sida loo ogaado xarun inay shaqaynayso waxaa ugu muhiimsan oo lagu qiimeeyaa xogta ka soo baxda iyo inay is waafaqsanyihiin xogta xarunta iyo mida guud ee xarunta dhexe.
“Waxaan rajaynayaa inaad labada maalmood si dhamaystiran iskugu gudbin doontaan shaqooyinka aad haysaan waxna ku kala kororsan doontaan.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan soo dhawaynayaa shaqaalaha caafimaadka ee ka yimid degmooyinka, waana idinka mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan ee aad bulshadiina uhaysaan. Waxaan maanta u joognaa sidii aan uga wada shaqayn lahayn helitaanka iyo xaqiijinta xogta sanadka lixdiisi bilood ee ugu horaysay si aan u helno xog dhamaystiran oo tayaysan. Sidoo kale waxaad ku soo bandhigi doontaa waxa qabsoomay iyo waxa dhiman si inta sanadka ka dhiman loo sii horumariyo.”
“Xanuunka TBda waa cudurada dadkeenu qarsadaan waxayna u arkaan xanuun khatar ah iyadoo ay jiraan cuduro ka halis badan waliba ka dilaasan, waxaan rajaynayaa in dhamaanteen aan uwada guntano sidii loo yarayn lahaa dawada iyo baaritaanka lacag la’aanta ahna dadkeenu ka faa’iidastaan.
Shirka waxaa qayb ka ahaa siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed iyo madaxa cudurka TBda Puntland World Vision Amatarahmaan Isse,waxaa iska kaashanaya wasaradda caafimaadka iyo Hay’adda World Vision.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.