10
Aug
Masuuliyiin Ka tirsan Galmudug ayaa maanta Galkacyo kulan soo dhoweyn ah ugu Sameeyae Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel
#Gaalkacyo:- Masuuliyiin Ka tirsan Galmudug ayaa maanta Galkacyo kulan soo dhoweyn ah ugu Sameeyae Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel
Kulankaan oo isugu jirey Soo dhoweyn iyo kala warqaadasho halka ay marayaan dadaalada la xariira Nabadeynta Beelaha Colaadu ka dhex jirtey ayaa lagu gorfeeyey dadaalka Nabadeynta iyo siddii loo xoojin lahaa.
Kulanka oo ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa soo dhoweyn loo sameeyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Qoorsheel ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanada Galmudug iyo Puntland, Masuuliyiin Heer Gobal iyo Heer Dagmo Odayaasha Dhaqanka iyo Xubno ka socday Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Puntland.