05
Aug
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo safar shaqo ku marayay Degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa la kulmay shaqaalaha Caafimaadka ee xarunta Xaarxaar
Xaar-xaar: 05 August 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo safar shaqo ku marayay Degmadda Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa la kulmay shaqaalaha Caafimaadka ee xarunta Xaarxaar
Wasiirada ayaa ballan qaaday in ay si dhaw ula socon doonaan adeeg bixinta Caafimaadka iyo horumarintiisa iyadoo Wasaaradu shaqo muuqata ka qabatay baahiyihii Caafimaad ee ka jiray deegaanka.
Madaxweynaha Siciid Abdulaahi Dani ayaa ku bogaadiyey Wasaradda Caafimaadka Puntland shaqada wanaagsan ee ay ka qabatay Degeenka Xaarxaar iyo guud ahaan degaamada uu ka soo maray gobolka Nugaal qaybo kamid ah oo uu dhawaan safar ku tagay waxaana uu xusay in dawladda uu hogaamiyo ay ka go’antahay horumarinta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.