Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 sanadkasta bishan 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐨 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧.

04 Aug

Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 sanadkasta bishan 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐨 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧.

Garowe: 04 August 2024, Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland lagu qabtay 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐬𝐛𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐬-𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 sanadkasta bishan 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐨 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐧..
Munaasabadda oo ka dhacday Hotelka Martisoor ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cissmaan Lugatoor, wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, wasiirka haweenka Puntland Marwo Marwo Maryan Axmed Cali, wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdirahmaan Shiikh Axmed, agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhakhaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo in ay nuujiyaan dhallaankooda si barax tiran 6da bilood ee ugu horeeya lana gaarsiiyo labo sano si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.
Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Mohamed Mohamuud Xidig, oo ugu horayn ka hadlay munaasibada ayaa xusay muhiimada naasnuujintu uleedahay ilmaha
“Waxaan todobaadkaan loogu talagalay in lagu dhiiragelliyo Naas-nuujinta Caruurta, sida diinteena islaamka ina farayso, aduunku waqti danbe ayuu ku soo baraarugay muhiimada naasnuujintu uleedahay ilmaha, balse inaga kitaabka quraanka ah ayaa allaha ku sheegay in ilmaha la nuujiyo labada sano ee ugu horeeya,waxaan ku baaqayaa in fasaxyo ay hellaan hooyooyinka xilliga shaqada maadaama Naas-nuujintu tahay mid aad muhiim u ah, waxaan ku soo darnay xarumaha caafimaadka min 2 qof oo ka shaqeeya sidii dadka loo fahansiin lahaa naasnuujinta, waxaan maanta dhagax dhignay dhismaha naasnuujinta wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaa sidoo kale diyaar ah siyaasadaha loogu talagalay kuwaas oo dhawaan wasaaraddu horgayn doonto golaha wasiirada kadibna barlamaanka.”
Maryan Ahmed Ali Wasiirka Haweenka arimaha qoyska Puntland oo munaasibada hadal ka jeedisay ayaa tiri:
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibada muhiimka ah, taasoo lagu xusayo todobaadka naasnuujinya Ilmaha, ilmaha naaska loo dhigo waa ka caafimaad badanyahay waana ka koriin fiicanyahay ilmaha aan naaska la siin, hadaba waxaa muhiim ah in kor loo qaado nuujinta caruurta, sidoo kalena hooyada nuujinaysa la siiyo fasax iyadoo mushahaarkeeda qaadanaysa.
“ Waxaan soo jeedinayaa In lala dagaalamo ka dawlad ahaana ma ogolin xayaysiinta beenta ah ee caanaha daasadaha ku jira taasoo caafimaad ahaan uxun ilmaha, tayadooda aan la aqoon iyo waxa ay ka samaysanyihiin. Wasaaradda haweenka waxay noqon doontaa midii labaad oo horgalisa xarunta hooyadu ilamaha ku nuujiso.”
Mudane Abdirahmaan Shiikh Ahmed wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dawladda Puntland oo munaasibada ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibada lagu xusayo todobaadka naasnuujinta aduunka, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha waxay markasta u xilsaarantahay masuuliyadna ka saarantahay inay ku daba gasho helitaanka hooyada marka ay dhasho waqtigeeda nuujinta ee dhan 4 bilood waxaan ogahay hay’addaha dawladda iyo qaar kamid ah hay’addaha caalamiga ah in laga hirgaliyay balse waxaa jiri kara qaar kamid ah hay’addaha gaarka loo leeyahay inaysan u ogolaan hooyada fasaxa ay xaqa uleedahay waxaan halkaan ka cadaynayaa in wasaaraddu ku garab istaagi doonto kuna difaaci doonto hooyada helitaanka xaqeeda ilaa maxkamadna aan la tagi doono.”
Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland oo munaasibada ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta uwada joognaa sidii aan u dhiirigalin lahayn naasnuujinta ilmaha, waxa ay qayb weyn ka qaadataa koriimada iyo maskaxda ilmaha marka uu naaska nuugo ilaa labo sano, waxaa la rabaa inaan horumarino ugana 38% Puntland, waxaa la rabaa in wacyigalinta la badiyo.”
“ Waxaa waajib ah in hooyadu hesho fasaxa dhalmada inta loogu talagalay, hadhow marka ay soo dhamaysatana hesho saacado ay ilmaha u soo nuujiso si loo helo ilmo caafimaad ku kora, lagana hirgaliyo xarumaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee shaqada meesha hooyadu ilmaha ku nuujinayso, waxaan sidoo kale adkaynayaa in la joojiyo Xayaysiin ta faraha badan ee ganacsiga ku salaysan caanaha daasadaha siyaasada wasaaradda waxaa ku cad inaan xarumaha caafimaadka lagu xayaysiin karin caanaha daasadaha, wasaraadda caafimaadka oo kaashanaysa wasaaradda warfaafinta waxaan dhawaan ka wada shaqayn doonaa siyaasada lagu xakamaynayo xayaysiinta loo sameeyo waxyaabaha khatarta ku keeni kara caafimaadka dhalaankeena.”
“ Wasaaraddu waxay soo wadaa sharciyadii la xiriiray nidaamka naasnuujinta, kuwaas oo aan ogahay inay xanuunkeeda yeelan doonto dad badana ay dhibsan doonaan, waxaan maanta madaxweyne kuxigeenku noo dhagax dhigay qaybtii aan ku taamaynay kana mid ahayd muhiimada horutabinta leh ee dhismaha goobtii hooyada shaqaalaha ah ay ilmaha ku nuujin lahayd waxayna sharci noqon doonto in dhamaan xarumaha dawladda laga hirgaliyo, taasoo ufududayn doonta hooyada inay ilmaheeda nuujiso, waxaan ugu danbeyn u mahadcelinayaa wasaaradda haweenka iyo wasaraadda shaqada iyo kaalinteeda qaabilsan shaqada iyo fasaxa hooyada xarumaha shaqada, iyo wasaraadda cadaalada oo dhanka sharciga iyaduna naga taageeri doonta. balanteenu waa hooyo iyo ilmo caafimaad qaba maskax ahaana ukora.”
Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo xaflada soo xiray ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta idin kala soo qaybgalo xafladda muhiimka ah kana mid ah kuwa ugu qiimaha badan, madaama looga hadlayo caafimaadka hooyada iyo ilmaha, waxaan ku bogaadinayaa kuna amaanayaa waajibaadka masuuliyadeed ee ay ka qaadatay wasaaradda caafimaadka sidii xanaano loo siin lahaa hooyada waqtiga ay xaamilada tahay si loola socdo nafaqadeeda iyo marka ay dhasho sidii ilmaha uu u heli lahaa xananayn iyo nuujin waqtiga loogu talagalay, sida aan ognahay dawladdu waxay hooyada siisaa fasax ku filan, waxaa sidoo kale dawladda ay ka shaqayn doontaa hirgalinta meelaha hooyadu ilmaha ku nuujin lahayd marka ay shaqada ku soo laabato, ugu danbeyn waxaan wada ognahay in caanaha dalka la keeno ee ganacsiga loo keeno dalalka laga soo saaro aan laga isticmaalin mamnuucna ka tahay marka waa inaan ilmaheena caafimaadkooda ilaalino hooyaduna aysan ilmaha siin wax aan la hubin.”
   
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.